Mahad Wasuge public
[search 0]
Download the App!
show episodes
 
Artwork

1
Maamul Wanaag

Somali Public Agenda

Unsubscribe
Unsubscribe
Monthly
 
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
  continue reading
 
Loading …
show series
 
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, Madaxweynaha Puntland qeyb kama ahayn Madasha Wadatashiga Qaran & heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u noqday dib-u-eegista & wax-ka-beddelka dastuurka. 31 March 2024 Puntand waxa ay kasoo horjeesatay wax-ka-beddelkii lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka federaalka. Qeybtan 41-aad ee Maamul Wan…
  continue reading
 
Waxaa dhawaan soo gabagaboobay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee Puntland oo soo bilowday sanadkii 2021. Markii ugu horreysay waxaa sanadkii 2021 si tijaabo ah looga qabtay doorashada goleyaasha deegaanka saddex degmo; waxaa xigay doorashada 30 degmo oo dhacday sanadkii 2023 iyadoo sanadkan 2024 lagusoo gunaanaday 3 degmo oo ay ku jirto caasi…
  continue reading
 
1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya ay aqoonsaneyso Soomaaliland iyadoo taas beddelkeeda saldhig ciidan bad & 20 kiiloomitir oo dhul ah laga …
  continue reading
 
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha shacabka loogu qabto magaalada Jowhar. Khilaafyo siya…
  continue reading
 
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaa…
  continue reading
 
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 67% miisaaniyadda ayaa laga filaya…
  continue reading
 
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Ma…
  continue reading
 
1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaali…
  continue reading
 
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadah…
  continue reading
 
Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku …
  continue reading
 
Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eega…
  continue reading
 
37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadk…
  continue reading
 
1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland. Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho …
  continue reading
 
Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaa…
  continue reading
 
Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin. Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqe…
  continue reading
 
Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira. Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu f…
  continue reading
 
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017. Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo …
  continue reading
 
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba…
  continue reading
 
Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo r…
  continue reading
 
Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madax…
  continue reading
 
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano ka…
  continue reading
 
Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee…
  continue reading
 
Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS). However, important parts of Somalia’…
  continue reading
 
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaley…
  continue reading
 
Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban. Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo k…
  continue reading
 
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Muk…
  continue reading
 
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Muk…
  continue reading
 
Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egy…
  continue reading
 
Labaatankii sano ee ugu dambeysay, madaxweynayaashii dalka waxa ay is khilaafeen raysal wasaarayaashii waxana ay magacaabeen 2-3 raysal wasaare. Xubnaha golaha wasiirrada ee la magacaabayay ayaa sidoo kale tiro ahaan kala duwanaa. Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu…
  continue reading
 
Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor. Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo k…
  continue reading
 
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadaho…
  continue reading
 
Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iy…
  continue reading
 
14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo k…
  continue reading
 
Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay. Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaanna…
  continue reading
 
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmi…
  continue reading
 
Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa meel dhexe. In ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay. Muddada lagu heshiiyay 9-kii January 2022 waxa ay ahayd in 25-ka February lagusoo qabagabeeyo doorashada. Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa kaalinta bulshada rayidka ee doorashada. Waxaa marti ku ah Sainab Xasan iyo Axmednur Cabdullahi Axmed. S…
  continue reading
 
9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto. Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraast…
  continue reading
 
Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika. Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha…
  continue reading
 
Dhawaan waxa aan daabacnay warbixin iftiimineysa sababaha dib usoo laabashada ASWJ ee Galmudug. Warbixinta waxa qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda. Podcast-gan Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya nuxurka warbixinta. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @soma…
  continue reading
 
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa howlaha Xarumaha Naqshadeeya Siyaasadda iyo Adeegyada Bulshada. Warbixinta waxa qoray Aweis Ahmed Mohamed oo ah agaasimaha SPA Center for Public Policy and Service Design. Podcast-gan waxa Aweys Axmed Maxamed iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaa…
  continue reading
 
Dhawaan waxa aan daabacnay daraasad muddo sanad ah socotay oo lagu baarayay hannanka maaliyadda federaalka Soomaaliya. Cilmibaaristaas waxa hoggaaminayay Farxaan Isaaq Yuusuf oo ah Agaasime Kuxigeenka Somali Public Agenda. Farhan iyo aniga oo warbixinta wada qornay ayaa ka sheekeysan doonno nuxurka natiijada kasoo baxday cilmibaarista. Contact Soma…
  continue reading
 
Loading …

Quick Reference Guide