Artwork

Content provided by Mahad Sheikh. All podcast content including episodes, graphics, and podcast descriptions are uploaded and provided directly by Mahad Sheikh or their podcast platform partner. If you believe someone is using your copyrighted work without your permission, you can follow the process outlined here https://player.fm/legal.
Player FM - Podcast App
Go offline with the Player FM app!

COD09: Maxaan Ka Barannay

11:04
 
Share
 
Archived series ("Inactive feed" status)

When? This feed was archived on March 07, 2019 01:26 (5+ y ago). Last successful fetch was on September 11, 2018 01:17 (6y ago)

Why? Inactive feed status. Our servers were unable to retrieve a valid podcast feed for a sustained period.

What now? You might be able to find a more up-to-date version using the search function. This series will no longer be checked for updates. If you believe this to be in error, please check if the publisher's feed link below is valid and contact support to request the feed be restored or if you have any other concerns about this.

Manage episode 156805843 series 1201237
Content provided by Mahad Sheikh. All podcast content including episodes, graphics, and podcast descriptions are uploaded and provided directly by Mahad Sheikh or their podcast platform partner. If you believe someone is using your copyrighted work without your permission, you can follow the process outlined here https://player.fm/legal.
COD09: Maxaan Ka Barannay Image

Dagaalka sokeeye waa dhacdo xanuun leh oo dhibaato badan gaarsiisay dadka Soomaaliyeed. Dhibaatadaa gaartay dadka Soomaaliyeed waa mid isugu jirta naf, jir, maal iyo sharaf intaba. Dhinaca kale, dagaalkan sokeeye waxbaan ka barrannay. Waxa aan ka baranay waa wax horumar noo horseedi kara waana waxyaalo aad iyo aad ugu faa,iido badan dalka iyo dadka Soomaaliyeed haddii aan su’aalo iska weydiino oo ka faa’iideysano. Aqqoontan aan ka barannay dagaalka sokeeye waa aqoon noo suurto galineysa in aan ka baxno colaadda iyo in aan dawlad-nimadeenna xoojinno oo aas aas adag u dhigno si ay u noqon mid dhaciif ah oo mar kale colaad ku hoggaamisa dalka.

Waxyaalaha aan ka barannay colaadda sokeeye waxaa ka mid ah in ay dawlad tahay lagama maarmaan. Waxyaalaha ka dhigaya dawladda lagama marmaan waa in ay dadka iyo dalka u adeegtaa. Adeegga ay dalka u qabato waa adeegga guud ee qaranku u baahnayahay sida nabadgalyada guud iyadoo qaranka ka ilaalineysa cadaw gudaha ah iyo mid dibadda ah intaba iyo ilaalinta dhaxalgalka bulshada. Adeegga ay dadka u qabaneyso waa adeeg ay ku hubineyso in ay dadku helaan daryeel buuxa oo ay ka mid yihiin nabadgalyo buuxda, nolol maalmeed, wax barasho, caafimaad, hoy iyo deegaan ay ku noolaadaan, iyo in ay helaan wax kasta oo daruuri u ah. Dalka iyo dadkuba ma heystaan addeeggan dawladeed maanta. Waxaan ognahay baahida aan u qabno addeggan in ay tahay mid aad u weyn.
Waxaan ognahay dawladdeenii hore in ayan adeeg buuxa u qaban dalka iyo dadka sababo badan awgood sida aqoon xumo, dhaqaalo xumo, musumaasuq iyo waxyaalo badan oo la mid ah. Sidaa daraaddeed, waxaan barannay in ay dawladdu noqoto mid ka madaxbannaan waxyaalahan oo dhan si ay u noqoto mid hawsheeda ka soo bixi karta oo dalka iyo dadka si buuxda ugu adeegi karta.

Siyaasadda ku dhisan in qabiil lagu abaabulo bulshada waxay keentay musuqmaasuq, kala qeybsanaan, tartan loo tartamo hoggaanka dalka, colaadda sokeeye iyo in dawladdii dhacdo, isla markaana ay adkaato in dib loo soo celiyo dawlad kale oo baddasha. Waxaan barannay haddii la rabo dawlad in dib loo soo celiyo, in aan qabiil wax lagu abaabulin. Haddii aan rabno in aan ka gudubno marxaladda aan ku jirno oo xal u helno dhibaatooyinka jira, waxaan barannay in aan ka fogaanno in qabiil wax lagu abaabulo. Hadii aan rabno dawladda aan dhisan doonno colaadda kadib in ay noqoto mid aan dib u hurin colaad sokeeye, waxaan barannay in aan qabiil lagu abaabulin ee qaran ahaan loo abaabulo. Si ay bulshadeennu u noqoto bulsho dawladdeeda ilaashan karta, waxaan barannay in ay bulshadu noqoto bulsho qaran ahaan u abaabulan ee aan qabiil ahaan u abaabulnayn. Waxaan barannay, haddii aan rabno in aan dabadhilif iska qabano, in aan qabiil xal u helno waayo waa waxa ay noogu soo dhuuntaan. Haddii aan rabno in aan dawlado shisheeye ka ilaalinno dalkeenna iyo arimaheenna gudaha, waxaan barannay in aan qabiil xal u helnaa.

Waxaan barannay colaadda in la soo afjaro in ay tahay lagama maarmaan. In aan colaadda la soo afjarin waxay sababtay in dalku ku sii jiro xaaladda xun ee uu muddo ku jiray. Colaadda sokeeye soo afjaris la’aanteeda waxay suurto galisay in ay sii socdaan dhibaatada, gumaadka, faragalinta shisheeye, iyo waxyaalaha xun xun ee ku dhacay bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed. Colaadda sokeeye in la soo afjaro waxay lagama maarmaan u tahay isu soo dhawaashaha bulshada Soomaaliyeed si ay uga wada shaqeeyaan sidii ay u dhisan lahaayeen dawlad ay wada leeyihiin iyo sidii ay u wada ilaashan lahaayeen dantooda guud. Haddii aan colaadda sokeeye la soo afjarin dadku waxay ahaanayaan kuwo si joogto ah wax u kala tirsada oo aan is aamineyn, kala shaki qaba, isku meel aan u jeedin, hal ula jeeddo aan yeelan karin oo shisheeye iyo sokeeyaba ay ka daneysan karaan.

Waxaan barannay qasaaraha dagaal ee naf, jir, sharaf iyo maalba leh. Waxaan barannay colaaddu sida ay u kala geyso bulsho hal qoys ah. Waxaan Barannay wax qaatay qarniyo in la dhiso in ay colaaddu ku burburiso muddo saacado ama daqiiqado ah. Waxaan barannay in colaaddu burburiso maamul, hoggaan iyo kala dambeyn. Waxaan la soconnaa in colaaddu keento qax iyo barakac.

Waxaan barannay kala qeybsanaanta iyo dhibkeeda. Waxaan barannay kala qeybsanaanta in ay tahay cuuryaannimo. Waxaan barannay bulshadu marka ay kala qeybsan tahay in ay wax wada qabsan karin. Waxaan barannay haddii ay bulshadu wax wada qabsan karin in ay adeeg guud samaysan Karin oo danteeda ilaashan karin. Haddii ay bulshadu adeeg guud lahayn waxaa noo cad in ay tahay bulsho dayacan. Waxaan garannay haddii bulshadu dayacan tahay adeeg guud la’aan awgeed, in ay tahay bulsho cuuryaan ah. Waxaan ognahay maanta in aan nahay bulsho cuuryaan ah.

Colaadda sokeeye awgeed, waxaan barannay ciddii rabta in ay ka daneysato Soomaaliya in ay u sahlan tahay in ay ka daneystaan oo waxa ay rabaan ka fushadaan. Waxaan ognahay in shisheeye ka faa’iideysto dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan ognahay in sokeeye ka faa’iideysto dalka Soomaaliyeed oo danahooda ka fushadaan. Waxaan ognahay in daneysigani halis ku yahay danaha qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan barannay xalku in uu ku xiran yahay bulshada Soomaaliyeed. Waxaan ognahay bulshada Soomaaliyeed meeshii ay isku raacdo in uu dalka Soomaaliyeedna aadayo.

Ayaan daro, weli shacbiga Soomaaliyeed uma suurto galin in uu ka faa’iideysto aqoontan uga korortay colaadda sokeeye. Welina uma jiheysan in uu soo afjaro dagaalka sokeeye iyo in uu aas aas dhab ah u dhigo qaranimo waarta si aan dib loogu noqon dagaallo sokeeye oo dambe. Waxaan ognahay in ay sugayaan hoggaankii iyo aragtidii suurto galin lahaa in bulshadu ka faa’deysato aqoonta uga korortay dagaalka sokeeye.

  continue reading

25 episodes

Artwork
iconShare
 
All episodes

×
 
Loading …

Welcome to Player FM!

Player FM is scanning the web for high-quality podcasts for you to enjoy right now. It's the best podcast app and works on Android, iPhone, and the web. Signup to sync subscriptions across devices.

Quick Reference Guide